𝗤𝗮𝗿𝗻𝗶𝗴𝗮 𝟮𝟭 𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝘂𝗺𝗮 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗻𝗶𝗱 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗮𝘆𝘀𝗮𝘁𝗼 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱 𝗺𝗶𝗹𝗮𝘁𝗮𝗿𝗶 𝗮𝗺𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗲?
Wali ma maqasha awoodda jilicsan "𝗦𝗼𝗳𝘁 𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿 " ? 🤔
Joseph Nye oo horay usoo noqday ku xigeenka difaaca ee arimaha amniga caalamiga ah ee Maraykanka, sidoo kale wuxuu bare sare ka ahaa jaamacadda Harvad, ayaa markii sii ugu horaysay adeegsaday erayga awood jilicsan "soft power" buugiisa soft power.
Joseph Nye wuxuu sheega in awoodda jilicsan tahay awoodd lagu saameeyo dadka iyo dowladaha adigoo isticmaalayo dhaqanka, siyaasada iyo in lala falgalo caalamka ayadoo loo marayo aflaanta, ciyaaraha, iyo xayasiinta halkii la adeegsan lahaa awoodda adag "Hard power" sida militari iyo cunaqabatayn dhaqaale taas oo badanaa u bahaan qarashaad aad u badan iyo waqti.
𝗧𝘂𝘀𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗠𝗮𝗿𝗮𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝘂 wuxuu isticmaalaa awoodda jilicsan iyadoo la adeegsanayo aflaanta Hollywood ka, kuwaas oo dadka adduunka oo dhan ku dhiirrigeliya una xayeysiiya dhaqanka iyo qiimaha reer galbeedka, waxaad aflaanta Hollywood ka ah ku arkaysaa hal askari oo maraykan ah oo ka adkaanayo tiro badan oo ciidamo wadamo kale ah, filim kale waxaad ku arkaysaa Nasa oo dhagaxaan ku soo daatay aduunka ka badbaadinayso, waxaa Hollywood ka lagu soo bandhigaa si dadban awoodda ciidanka maraykanka.
Dowladaha sida weyn u adeegsada aflaanta waxaa ka mid ah dowlada Türkiye.
𝗧𝘂𝘀𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗞𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗞𝗼𝗼𝗻𝗳𝘂𝗿𝗲𝗲𝗱 oo isticmaaleysa K-pop iyo aflaanta K-drama, taas oo kor u qaadaysa sumcadda dalkaasi iyo dhaqankiisa, sidoo kale waxay soo jiidatay dalxiisayaal iyo taageerayaal badan oo caalamka ah, kooxaha caanka ay ku tahay
Kuuriyada Koonfureed ee K-pop ka waxaa ka mid ah BTS oo maanta caalamka dumar aad u badan jecelyihiin, taageerayaasha BTS waxaa lagu magacaabaa ciidan "army", maanta waad helaysaa gabdho badan oo Soomaliyeed aad u taageero kooxahaan.
Awoodda jilicsan waxaa ka mid ah warbaahinta oo qaabaysa siday dadku u arkayaan aduunka, dowladuhuna ay ku bixiyaan qarashaad badan sida Ingriiska oo taageero BBC, Maraykanka asna VOA, Türkiye asna TRT iyo dowlada Qatar oo ayadan taageerto Al Jazeera.
Mararka qaar awoodda jilicsan waxaa loo adeegsadaa in wadan lagu sumcad dilo sidoo kale hoos loogu dhigo dalxiisayaashiisa ayadoo la adeegsanayo film, sida filimka caanka ah ee 𝗕𝗼𝗿𝗮𝘁 kaas oo si ka duwan xaqiiqada loogu soo bandhigayo dalka Kazakhstan laguna sumcad dilayo.
Ugu danbayn Joseph Nye wuxuu soo jeedinayaa awoodda ugu fiican ee dal adeegsado inay tahay isku darka labada awooddod ee awoodda jilicsan "soft power" iyo awoodda adag "Hard power" taas oo uu isagu ugu magac daray "𝗦𝗺𝗮𝗿𝘁 𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿 "
-DHAMAAD-

0 Comments