SOMALIDU MA CARABAA?


SOMALIDU MA CARABAA?

Soomaalidu waa dad madow oo ku nool qaarada dadka madow (Africa) in kastoo ay ogolyihiin inay degan yihiin Africa hada na waxay ka faanaan inay yihiin (African) ! Waxaad arki kartaa dhamaan wadamad dariska la ah inay madow yihiin hadana ku qanac san yihiin Laakin soomaalidu taas ku ma qanac sana

Waxay isku arkaan inay yihiin carab in kastoo aysan wadaagin midab iyo luuqadba
Hadaba xagee ka timid sheegashada carab nimad?

Qabiilada sheegta carabnimada badanaa waxaad arkaysaa inay ku lee yihiin "waxaan ka soo jeednaa ahlu-baydka" dad ka badanaa waxay ku lee yihiin waxaan ku nasab sheeganaa (cali-binu-dalib, Abuubakar sadiiq,
Iyo asxaabo badan oo kale) sababta keenaysana waa wax Iska cad waxay u arkaan inay tahay fursad ay ku heli karaan mudnaan iyo qadarin majiro qabiil ku ab tirsada carab ka le dhamaan waxay ku abtirsadaan ahlu-baydka

Maaha arintaa mid soomalidu kali ku tahay
Qaar ka mid ah muslimiinta daga galbeedka Africa ayaa ayaguna u arkay fursad kana faa'idaystay maadaama ay ahaa yeen dad madow oo sinaba u sheegan karin ahlu-baydka
Waxay raadiyeen qof ay sheegan karaan bulshadana ka gadmaya sidaa darteed waxay sheegteen inay ka soo jeedaan bilaal binu rabaax oo ah mu'adim kii nabiga SCW
dowlad ku abtirsato bilaal ayaa ka talin jirtay badanaa galbeedka Africa waxaana saldhig u ahaa dalka maali mudo ka badan Shan boqol oo sano

Malaha soomaalida waxaa ka tala fiicnaa dadkii ku nasab sheegtay bilaal binu rabaax sababtoo ah way is matali ka raan waa labo madow ah laakiin soomaalida dad ka ay sheegtaan aad bay Ukala fog yihiin

Post a Comment

0 Comments