𝗪𝗮𝗹𝗶𝗴𝗮𝗮 𝗺𝗮 𝗶𝘀 𝘄𝗲𝘆𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗿 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗱𝗮𝗹𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗱𝗮𝗻 𝘂 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗾𝗮𝗮𝗿 𝗸𝗮𝗹𝗮𝗻𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗼𝗼𝗹 𝘂 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗾𝗮𝗿𝗻𝗶𝘆𝗼 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 ?
waxaa su’aashaa si qoto dheer uga jawaabayo buuga caanka ah ee “𝗪𝗵𝘆 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗙𝗮𝗶𝗹” Af soomaali ahaa noqonaysa “maxay wadamadu u guul daraystaan/u fashilmaan” buugaan waxaa isla qoray Daron Acemoglu iyo James Robinson labadaba waa aqoon yahano ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha, siyaasada iyo hormarka caalamigaa.Buuggu wuxuu baaraya sababta qaar ka mid ah dalalka adduunka u horumaraan, halka kuwa kalena u liitaan. Waxay diiradda saaraan doorka hay'adaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee sameeya hanaanka horumarka ama hoos u dhaca qaran.
Waxay buugooda ku lafa gurayaan in dalku uu noqdo hodan samayn ma ku leedahay juquraafi ahaan meesha uu dhaco, kheyraadka dabiicigaa iyo guumaystaha dalkaas guumaystay
𝟭. 𝗝𝘂𝗾𝘂𝗿𝗮𝗮𝗳𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗼, waxay cadaynayaan in juquraafi ahaan dalka meesha uu dhaco ay saamayn ku leedahay hormarka dhaqaale sida in wadanku leeyahay bad,webiyo ama dhul beereedka. Si kastaba ha ahaatee waxay ku doodayaan in juquraafi ahaan meesha uu dhaco dalku kaliya aysan sharxi karin horumarka dalka.
𝘛𝘶𝘴𝘢𝘢𝘭𝘦 ahaan 𝙆𝙤𝙤𝙣𝙛𝙪𝙧𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙒𝙖𝙦𝙤𝙤𝙮𝙞𝙜𝙖 𝙆𝙪𝙪𝙧𝙞𝙮𝙖: labadaan dal waxay leeyihiin juquraafi isku mid ah oo asalkii ba waxay ahaayeen hal dal, hadana markaad fiiriso Koonfurta Kuuriya waxay ku naaloonaysaa horumar oo maanta waxaa lagu tiriyaa wadamada horumaray, dhanka kale Waqooyiga Kuuriya waa dal aad sabool u ah oo leh nidaam kali talisnimo ah.
Si kastaba ha ahaatee labadaan dal waa isku juquraafi, cimilo iyo dhaqan.
𝟮. 𝗸𝗵𝗲𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗯𝗶𝗶𝗰𝗶𝗴𝗮𝗮, sida Shidaalka, Dahabka, Dhaymanta iyo kuwo kale oo badan saamayn ma ku leeyihiin horumarka dhaqaale dal, maadaama dalalku ku kala duwan yihiin khayraadka dabiicigaa, labada qoraa waxay cadaynayaan in kheyraadka dabiicigaa uu saamayn ku leeyahay horumarka dhaqaale dalka hadana kheyraadka dabiicigaa oo qura lama dhihi karo wuxuu go’aamiyaa horumarka dalka.
Buugu waxa uu tusaale u soo qaadanayaa labo dal oo qaarada Afrika dhaca 𝙅𝙪𝙢𝙝𝙪𝙪𝙧𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘿𝙞𝙢𝙪𝙦𝙧𝙖𝙖𝙙𝙞𝙜𝙖𝙖 𝙚𝙚 𝙆𝙤𝙤𝙣𝙜𝙤 (𝘿𝙍𝘾) waa dalka ugu hodonsan kheyraadka dabiiciga ah guud ahaa qaarada Afrika, kheyraadka dabiiciga ah ee DRC waxaa ka mid ah Dahabka, Dhaymanka,Coltan iyo kheyraad dabiici ah oo aad u fara badan, laakiin dalka ayaa la kulma faqri ba’an iyo dhibaatooyin horumarineed. Kheyraadkaas ayaa inta badan la lunsadaa, waxaa jira musuqmaasuq baahsan oo inta badan hay’adaha ka jira.
Dhanka kale dalka 𝘽𝙤𝙩𝙨𝙬𝙖𝙣𝙖 asna waa dal leh kheyraadka dabiicigaa oo waxa uu dalku ku caan yahay macdanta Dhaymanka, hadaan fiirino horumarka dalka waxay ka mid tahay wadamada ugu horumarsan qaarada, waxay leedahay kobac dhaqaale oo joogto ah, adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad oo heer sare ah iyo kuwo kale oo badan. Hay’adaha dowlada waa kuwo loo dhan yahay oo cid gaar ah ma maamusho.
Acemoglu iyo Robinson waxa ay ku doodayaan in kheyraadka dabiiciga ah oo kaliya uusan go’aamin horumarka ama guuldarrada qaran.
𝟯. 𝗚𝘂𝘂𝗺𝗮𝘆𝘀𝘁𝘂𝗵𝘂 𝘀𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻 𝗺𝗮 𝗸𝘂 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗺𝗱 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗱𝗮𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹?
Maadaama guumaysta yaashu ay kala duwanaayeeen door intee le’eg ayey horumarkiisa amd guulddarradiisa ku leeyihiin dalalka ay guumaysteen. Guumaystaha waxa uu buugu u kala qaybinayaa labo qaybood oo kala ah guumaystayaasha sameeyey hay’ado loo dhan yahay iyo guumaystayaal sameeyey hay’ado aan loo dhamayn.
𝘛𝘶𝘴𝘢𝘢𝘭𝘦 guumaystayaashii Ingriiska badanaa wadamada ay guumaysteen waxa ay u sameeyeen hay’ado dowli ah oo loo dhan yahay(Inclusive institutions), taas oo u horseeday inay guul ka gaaraan dhanka maamulka siyaasada iyo inay yaraato ina hantida dowlada ay cid gaar ah u gacan gasho. Dhanka kale guumaystayaal sameeyey hay’ado aan loo dhamayn(extractive institutions) oo loola jeedo in xukunka loo gacan galiyo qollo gaar ah ama qoys gaar ah, taaso oo dhaxal siisa guulddarrooyin aan ka soo kabasho lahayn.
𝘛𝘶𝘴𝘢𝘢𝘭𝘦 hadaan soo qaadano guumaystayaal sameeyey hay’ado aan loo dhamayn(extractive institutions), dowlada Belguim ayaa guumaysatay Jumhuuriyadda Dimuqraadigaa ee Koongo (DRC) ayadoo qollo gaar ah oo ku hoos jira gumaysiga gacanta u galisay hay’adaha dowligaa oo dhan, waxaa ka dhashay guulddarrooyin aad u waaweyn iyo in lagu tagri falo awooda iyo hantida dowlada.
Daron Acemoglu iyo James Robinson waxay ku doodayaan in saamaynta guumaystayaashu ay ahayd mid qoto dheer oo kala duwan, iyadoo ku xiran nooca maamulka gumeysiga ee la hirgeliyay.
𝗗𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗔𝗰𝗲𝗺𝗼𝗴𝗹𝘂 𝗶𝘆𝗼 𝗥𝗼𝗯𝗶𝗻𝘀𝗼𝗻 maxaa go’aamiyo in dal fashilmo/guul daraysto
Acemoglu iyo Robinson waxay ku doodayaan in horumarka qaran uu si weyn ugu xiran yahay 𝗻𝗼𝗼𝗰𝗮 𝗵𝗮𝘆'𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮. Hay'adaha Hay'adaha loo dhan yahay(Inclusive institutions) waxay abuuraan fursado horumarineed, halka hay'adaha aan loo dhamayn(extractive institutions) ay keeni karaan faqriga iyo hoos u dhaca dhaqaale. Taasi waa sababta ay dalalka qaar u horumareen, halka kuwa kale ay dib u dhaceen, iyadoo ay ugu wacan tahay farqiga u dhexeeya hay'adaha.
𝟭. 𝗛𝗮𝘆'𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗻 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 (𝗜𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝘃𝗲 𝗜𝗻𝘀𝘁𝗶𝘁𝘂𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀) waa kuwa ka qaybgelinaya dadweynaha si siman, oo dadka siiya fursado ay ku gaaraan horumar dhaqaale iyo bulsho. Hay'adahan waxay taageeraan xorriyadda, sharciga, hantida gaarka ah, iyo ka qaybgalka siyaasadda.
Dalalka hay'adaha loo dhan yahay (Inclusive Institutions) waxay badanaa gaaraan horumar dhaqaale oo joogto ah, sababtoo ah dadka waxaa loo abuuraa jawi fursado leh oo ay ku horumarin karaan ganacsiga, waxbarashada, iyo hal-abuurka. Tani waxay dhalisaa bulsho fursado siman leh iyo koboc dhaqaale oo xasilloon.
𝟮. 𝗛𝗮𝘆'𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻 (𝗘𝘅𝘁𝗿𝗮𝗰𝘁𝗶𝘃𝗲 𝗜𝗻𝘀𝘁𝗶𝘁𝘂𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀) Hay'adaha aan loo dhamayn waa kuwa awoodda iyo kheyraadka dalka u ururiya koox yar oo ah madaxda siyaasadeed ama dhaqaale. Hay'adahan waxay ka shaqeeyaan danta kooxahaas yar yar, iyagoo ku takri falaaya kheyraadka dalka, islamarkaana cadaadiya bulshada inteeda kale. Dalalka leh hay'adaha aan loo dhamayn badanaa waxay la kulmaan hoos u dhac dhaqaale iyo bulsho. Sababtoo ah hay'adahan waxay xaddidaan fursadaha dadka inteeda badan, waxayna keeni karaan musuqmaasuq, sinaan la'aan, iyo xasilooni darro siyaasadeed. Tani waxay curyaamisaa horumarka dhaqaale ee dalka.
-𝘿𝙃𝘼𝙈𝘼𝘼𝘿-
0 Comments